Amb.Dhabancad oo ku guuleystay kursiga Hop038 uu hore ugu fadhiyay Fiqi.

Mar 13 (Jowhar.com) – Amb. C/salaan Dhabacad ayaa loo doortay kursiga sumadiisu tahay HOP038, iyadoo kursigan Shantii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay wasiirkii Amniga Galmudug Azmed Macalin Fiqi.

Sida wararku sheegayaan, doorashadan waa kursigii labaad oo Tartan furan ka dhaco kuraasta ka soo baxay Gaalkacyo, iyadoo kurisgii hore ay qaadatay xildhibaan Qaali.

Dhabancad ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono qofka ugu da’da weyn ee Golaha Shacabka, taasoo u suura gelineysa inuu noqdo Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka oo Maamuli doona doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.