Akhriso; Magacyada Musharaxiinta ku tartamaysa Doorashada maanta ka dhacaysa Gaalkacyo

Mar 13 (Jowhar.com) -Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyey Musharixiinta isu diiwaangeliyey saddex kursi oo lagu wado in maanta ay doorashadoodu ka dhacdo magaalada Gaalkacyo.

Saddexdan kursi oo kala ah HOP069, HOP038 iyo HOP095 ayaa waxaa shahaadada musharaxnimo la siiyay 11 rag ah iyadoo aysan jirin wax dumar ah oo ka soo muqanaya doorashadan.

Kursiga HOP 69 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdiraxman Odowaa iyo musharax kale oo la filayo inuu u tanaasulo.

Hase yeeshee waxaa muuqata in labada kursi ee kale HOP038 iyo HOP095 si adag loogu tartami doono maadaama ay u taagan yihiin illaa 9 musharax.

Halkan hoose ka aqriso magacyada musharaxiinta;

 

Credit: Source link

Leave A Reply

Your email address will not be published.